Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Magaalada Hargeysa oo Manta Kadhacay Mudaharaad Rabshado Wata
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 07 2008
Magaalada Hargeysa oo Manta Kadhacay Mudaharaad Rabshado Wata
Written by Ali Moallim   
Monday, 07 July 2008

Muuqaalka Dad Mudaharaadaya oo jooga HargeysaHargeysa,(insidesomalia.org)- Inta la ogyahay 11 qof, ayaa ku dhaawacmay, 2 Qof oo kalena way ku dhinteen Mudaharaad balaaran oo maanta ka dhacay Xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa.

Mudaharaadkan oo saaka ka bilaabmay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa markii dambe ku baahay qaybo ka mid ah Magaalada,sida Suuqa oo kuyaala bartamaha  Magaalada, Halkaas oo ay isga horyimaadeen Ciidamada Booliska iyo dadka ka qayb galay Mudaharaadka.

Hase ahaatee, markii dambe ayay Ciidamada Milatariga lagu xoojiyay kuwa Booliska, Inkasta oo ay adkayd in wax badan laga ogaado khasaaraha dhabta ah ee uu geystay Mudaharaadkan, ka dib markii ay Ciidamada Booliska iyo Milatarigu u adeegsadeen Mudaharaadayaasha Rasaas, taas oo kalliftay khasaaraha soo gaadhay tiro ka mid ah ka qayb-qaatayaasha Mudaharaadka.

Mudaharaadkan oo socday ilaa Gelinlii danbe ee maanta, ayaa bilaabmay saaka ka dib markii ay shalay Dawladdu isku dayday in ay kaxayso Riig dhinaca Koonfureed ee Magaalada Hargeysa ka qodayay Ceelal Biyodyo, Kaas oo ay isku gedaameen dhalinyaro Xaafaddaas ka tirsani, isla markaana diideen in la kaxeeyo. Taas oo ay Xukuumadduna ku xaraysay Gaarigii saarnaa Riigaasi.

Dhalinyarada diiddanayd kaxaynta Riiggan ee ay Xukuumaddu ku doonaysay in ay goobtii uu shaqada ka waday ka kaxayso Riigga, ayaa xalay qaar ka mid ahi u hoydeen duleedka Dhismaha lagu xareeyay Riigga iyo agagaarka Deyrka Dhismahaas. “Riiggan waxa loo wadaa Magaalada Borama, ka dib markii uu shalay BBC-da ka sheegay Guddoomiyaha Gobolka Awdal in ay Biyo-la’aani ka jirto Gobolkiisa.

“Taas ma yeelayno, lamana kaxayn karo Riigga ilaa uu dhammeeyo Ceelasha Biyaha ah ee uu qodayay.” Sidaa waxa yidhi Mawliid Faarax oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo horjeedday talaabada ay qaadey Xukuumada Soomaliland.

Riiggan ayaa qorshihiisu ahaa inuu afar Ceel oo biyo ah ka qodo Koonfurta Magaalada Hargeysa, hase yeeshee Maamulka Somaliland ayaa isku dayay shalay in ay goobtii uu hawsha biyo-qodista ka hayay ka kaxeeyaan Riiggan, isaga oo aan shaqadii dhammaynin oo uu Ceel kaliya qoday.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >